Safiirka Mareynkanka oo Xasiloonida Soomaaliya kala hadlay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka

0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa la kulmay Ku xigeenka Madaxa USAID ee Xafiiska u qaabilasan arrimaha Dimuqraadiyada, Khilaafaadka iyo Gargaarga Bini’aadannimada (DCHA) Mr. David Harden, Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb Schwartz, iyo wafdi la socday, waxaana kulanka RW Ku-Xigeenka ku wehliyay Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Qorsheynta.

Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa kala hadlay Mr. David Harden iyo Amb Schwartz sidii Dowaladda Soomaaliya iyo USAID ay uga wadashaqeeyn lahaayeen horumarka, xasiloonida iyo dimuqraadiyadda.

“Waxaan diyaar u nahay in dalkeenu uu gaaro horumar waara oo ku saleeysan hab loo dhanyahay, xasilooni amni iyo dimuqraadiyad, tasoo fursad weyn siineysa dhalinyarada si loo yareeyo kuwa aaminsan aragtida xag-jirnimada, Waxaan maanta leenahay Qorshaha Horumarinta Qaranka oo dhincayada waxbarshada iyo caafimaadka muhiimad gaar ah siinaya; waa midaa waxa aan dooneyno inaan USAID ka wada shaqeeyno”, ayuu yiri Mudane Maxamed Cumar Carte

Mudane Carte ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay tahay saxiib muddo badan garab taagneyd Soomaaliya ee dhinacyada horumarka iyo la dagaalanka Argagaxisada.

RW Ku-Xigeenka ayaa ugu dambaeyntii u mahadceliyay Dowladda iyo Shacbiga Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.