Shacabka deegaan ka tirsan Gobolka Sh/Hoose oo Xalay Hurdada loo diiday ka dib markii la arkay..

0

Weerar Gaadmo ah ayey Al Shabaab Xalay ku qaadeen Fariisin Ciidanka Dawlada Soomaaliya ku lahaayeen Deegaanka Lambar Konton Ee Gobolka Sh/Hoose.

Dagaal Culus ayaa ka dhacay Halkaasi oo Al Shabaab iyo Ciidanka Deegaanka oo kuwa Dawlada Soomaaliya Kaabayeen ay isku jilbo dhigteen.

Khasaaro kala duwan ayaa soo gaaray Labada Dhinac waxaana Shacabka la sheegay in waxyeelo aysan soo gaarin hurdo ay cabsi awgeed jiifan waayeen.

Gudoomiyaha Lambar Konton Cabdullaahi Axmed Cali Waafoow ayaa warbaahinta u sheegay in Dagaalka uu ahaa mid lagu Jebiyey Al Shabaab Xaaladuna saaka tahay mid deggan.

C/llaahi Waafoow ayaa sheegay inay iyagu difaacanayaan deegaankooda islamarkaana shalay gacanta lagu dhigay wiil yar oo Al Shabaab ka tirsan AMISOM ayeyna ku wareejiyeen oo la wareysanayo Xogta uu hayo sida uu warka udhigay Waafoow oo ah gudoomiyaha Lambar Konton.

Al-Shabaab ayaa Isbuucii hore Weerar toos ah iyo Qaraxyo ku Weeraray Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidaada Dowladda iyo Amisom.