TOOS U DHAGEYSO:- Amaanka Puntland oo si weyn loo adkeeyay iyo Ajnabi Doonyo la sheegay inay ku galeen Puntland

0

Amaanka guud ee xeebaha Puntland ayaa la adkeeyay kadib markii ay yimaadeen doonyo ay wataan dad ajanabi ah kuwaasi xeebaha kusoo xiranaya doonyaha ay wataan waxaana ay layrarka u daminayaan doonyaha ay wataan wayna kasoo dagayaan.

Xeebaha gobolada Nugaal iyo Mudug ayaa doonyahaas lagu arkay waxaana heegan buuxa la galiyay ciidanka ilaalada xeebaha Puntland sida uu xaqiijiyay Yuusuf Maxamed Faarax waxana uu sheegey inay dadka kaluumaystadaa kusoo war galiyeen.

Dhamaan waaxyaaha dowlada ayaa uu sheegey inay ku war galiyeen balse doonyahaan aysan maal mahaan soo noqon kadib heeganka la galiyay ciidanka ilaalada xeebaha Puntland dhinaca kale araga doomahaan ayaa waxaa ay kusoo aadayan xili dhawaan xeebaha Puntland ay al shababaab kasoo dageen dharbaaxo kululn ay kala kulmen Puntland.

HALKAAN KA DHAGEYSO