TOOS U DHAGEYSO:- Ardayda Wax ka barata Iskoolada ku Yaal Gaalkacyo oo ay Saamayn Balaaran kasoo gaartay Dagaaladii Gaalkacyo.

0

Dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo waxay Saamayn Balaaran ku yeesheen Ardaydii wax ka Baran jirtay Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare
Magaaladaasi.

Waxaa Hakad Galay Waxbarashadii waxaana Dagaalada ku xirmay inta badan Madaaristii Waxbarashada.

Ardayda ayaa waxay qayb ka Noqdeen Bulshadii ku barakacay Dagaalka kuwaasi oo Hadda Deegaano kala Duwan ay wax barasho La’aan ku haysato.

Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal waxay ka Mid tahay Degmooyinka Marti Geliyay Dadkii ku barakacay Xiisadaha Gaalkacyo oo ay Ardaydu ay
qayb ka Yihiin.

Cabdi Cabdul Budeeye waa Gudoomiyaha Waxbarashada ee Dagmada Burtinle ee G/nugaal, waxa inooga waramay Saamaynta Ardayda Gaalkacyo kasoo gaartay Dagaaladii Dhacay.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO