TOOS U DHAGEYSO:- Barakacayaal ku Noolaa Gaalkacyo Oo Mar Kale Dib Uga Barakacay Xiisadaha Puntland iyo Galmudug.

0

Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo ay kunoolaayeen Dad badan oo Horay uga soo barakacay Dagaalo iyo Abaaro ku habsaday Deegaano kamid ah Gobollada Koonfureed ee Somaliya ayaa waxay Dadkaasi mar kale noqodeen kuwa kasii barakaca Magaaladaasi.

Dagaalka Siyaasadeed ee laba Todobaad ka hor ka dhex Curtay Ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa waxay Sababeen in Magaladaasi ay ka cararaan Dadkii Degenaa oo ay ku jiraan dad hor Meelo kale uga soo barakacay.

Hay’adaha Xuquuqul aadanaha ayaa ka dayrinaya Xaaladaha Nololeed ee Haysata Dadkii ku Barakacay Xiisadaha ka Oogan Magaalada Gaalkacyo, iyagoona sheegay in Dadkaasi ay galeen Nolo aad uliidata.

Degmada Xarfo oo katirsan isla Gobolka Mudug ayaa lasoo warinayaa in ay gaareen Barakacayaashii ugu Badnaa ee ka cararay Dagaalada ka soconaya Magaalada Gaalkacyo.

Waxaana dadkaasi hadda la sheegayaa in ay hasato Xaalad aad udag oo dhanka Nolosha ah.

Xildhibaan Siciid Khaliif Geele waa Mudane katirsan Golaha Deegaanka ee Degmada Xarfo waxa uu Allgalgaduud uga waramay Xaaladda Dadka halkaasi ku barakacay.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO