TOOS U DHAGEYSO:- Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta Iyo Caabudwaaq. (Is Qab-Qabsi Ka Taagan Aqalka Hoose Ee Waqooyiga Gobolka Galguduud)

0

Caabudwaaq, 27-ka OKTOOBAR-2016:—-Kulanti Wacan Dhagaysteyaal iyo Akhristeyaal Shabakada Caalamiga ah ee Allgalgaduud Media waxa ay Idiin soo Gudbinaysaa Barnaamijkii “Dhacdooyinka Maanta iyo Caabudwaaq” oo ah Barnaamij Habeen Walba aan ku Faaqidno Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee ka dhacay Deegaanada Waqooyiga Galgaduud.

Barnaamijkeena caawa waxaan kusoo qaadanaynaa Ugaaska Beesha Sade Bari Ugaas Axmed Bare Cali Taakooy oo magaalada Cadaado ku qabtay shir jaraaid oo uu eedeeyn kulul ugu jeediyay Maamulka Galmudug iyo Gudiga Doorashooyinka, sidoo kale Nabadoon Axmed Cabdi Nuure ayaa jawaab adag isna ka bixiyay shirkii jaraaid ee Ugaas Axmed Bare Cali Taakooy islamarkaana ku eedeeyay waxbadan oo qaladaad ah.

Baraamijkan ayaa waxaa si toos ah uga dhageysan kartaa habeen walba shabakada caalamiga ah ee Allgalgaduud Media marka laga reebo habeenka Jimcaha ee Sabtida soo galeyso.

Waxaa Barnaamijkeena soo Diyaariyay Halkaana kasoo Jeedin doona Wariyaheena Cumar Laki Man isagoo ku sugan magaalada Caabudwaaq.

 

Halkaan Hoose ka dhagayso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta iyo Caabudwaaq.

Wariye Cumar Siciid Cabdiraxmaan (Laki Man)
Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media
Caabudwaaq, Soomaaliya