TOOS U DHAGEYSO:- Dhacdooyinka Maanta Iyo Caabudwaaq. Ciidamo Ka Tirsan AMISOM Oo La Keenay Magaalada Cadaado, Qurbajoog Ka Hadlay Dagaalka Gaalkacyo iyo Xarunta Cusub Ee Mama Orphan Oo Maanta La Dhagax Dhigay…

0

Caabudwaaq, 23-ka OKTOOBAR-2016:—-Kulanti Wacan Dhagaysteyaal iyo Akhristeyaal Shabakada Caalamiga ah ee Allgalgaduud Media waxa ay Idiin soo Gudbinaysaa Barnaamijkii “Dhacdooyinka Maanta iyo Caabudwaaq” oo ah Barnaamij Habeen Walba aan ku Faaqidno Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee ka dhacay Deegaanada Waqooyiga Galgaduud.

Barnaamijkeena caawa waxaan kusoo qaadanaynaa maamulka Galmudug oo ogolaaday in ciidamo ka socda AMISOM la keeno magaalada Cadaado maantana qaybtii ugu horeysay ay soo gaareen magaaladaasi, Qurbajoog ka hadlay dagaalka Gaalkacyo iyo Xarun cusub oo loogu talagalay agoonta magaalada Caabudwaaq.

Baraamijkan ayaa waxaa si toos ah uga dhageysan kartaa habeen walba shabakada caalamiga ah ee Allgalgaduud Media marka laga reebo habeenka Jimcaha ee Sabtida soo galeyso.

Waxaa Barnaamijkeena soo Diyaariyay Halkaana kasoo Jeedin doona Wariyaheena Cumar Laki Man isagoo ku sugan magaalada Caabudwaaq.

Halkaan Hoose ka dhagayso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta iyo Caabudwaaq.

 

Wariye Cumar Siciid Cabdiraxmaan (Laki Man)
Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media
Caabudwaaq, Soomaaliya