TOOS U DHAGEYSO:- Gen.Cabdulahi Sheekh Ismaciil Fartaag oo si Kulul uga Hadlay Dagaalada Gaalkacyo Baaqna u diray Madaxda labada Dhinac.

0

Iyadoo mudooyinkii ugu danbeeye ay dagaalo xoogan ka socdeen magalada Galkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug dagaaladaas oo udhaxeeyo mamulada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa soo badanyo baaqyo ku aadan sidii loo joojin lahaa coladaaasi.

Iyadoona maantey Magalada Kismayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose uu shir jaraaid ku qabtay Madaxweyne Ku xigeenkii Hore ee Jubbland Mudane Abdulahi Sheikh Ismacil Fartaag hadana ah xubin ka tirsan aqalka sare ee barlamanka somaliya ayaa waxaa uu baaq nabadeed u diray Mamulada Galmudug iyo Puntland oo mudooyinkii danbe dagaalo ba’an ku dhexmarayey Magalada Galkacyo.

Sanetar Cabdulahi Sheikh Ismaciil Fartaag ayaa ku timaamey dagaalada ka socdo Galkacyo mid nasiib daro ah islamarkaana aan loo baahneyn waxaa uu sanatarku ka dhawaajiyey in Magalada Galkacyo ay tahay Magaalo Somaliyed sidoo kalena ay ku nool yihiin qeybaha kala duwan ee Soomaalida .

Mudane Cabdulahi Sheikh Ismacil Fartaag ayaa si kulul uga dalbaday labada dhinac ee ku dagalamayo galkacyo in si deg deg ah oo sharuud la’aan ah ay u joojiyaan dagaalada ka socdo Galkacyo.

 

HOOS KA DHAGEYSO