TOOS U DHAGEYSO:- Maxamed Xaashi Carabeey "Puntland Ayaa Ku Soo Duushay Galmudug".

0

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Max’ed Xaashi Cabdi Carrabey,oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Cadaado, ayaa waxaa uu Maamulka Puntland ku eedeeyay in ay ka dambeyso dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo.

Maxamed Xaashi Carrabey,ayaa sheegay in Puntland ay mar marsiyo u yeeleyso dagaalka ay kula jirto Galmudug,waxaana uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ama AL-shabaab aysan ku jirin dagaalkaas oo u dhaxeeya Labada Maamul ee magaalada ka wada taliya.

Waxaa uu sheegay in Puntland ay dhismoyaal xasaasiyad keenaya ka dhiseyso Magaalada Gaalkacyo, taas oo aysan dadka magaalada heshiis ku ahayn.

Waxaa kale oo uu Puntland ku eedeeyay in ay baal mareen heshiiskii
Disember 2015 ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee ay dowladda Federaalka
iyo beesha Caalamka dhex dhigeen labada Maamul.

Carrabey,waxaa uu sheegay in Galmudug ay soo dhaweyneyso dadaallada nabadeed ee ay wadaan Dowladda Federaalka ah iyo Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Puntland C/Wali Gaas ayaa shalay boosaaso ka sheegay in dagaalka Gaalkacyo laga soo abaabulay muqdisho oo ay Dowladda Federaalka ah ku lugleedahay.

HOOS KA DHAGEYSO