FADEEXAD DHAGEYSO:-Wasiiro Ka Tirsanaa Maamulka Galmudug Oo Maanta Is Casilay. (Maxaa Sabab U Ah Is Casilaadooda?).

0

Wasiiru dowladaha Wasaarada Qorsheynta Galmudug Cabdiraxman Maxamed Cisman (Sayruuq) ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkii uu u hayay Maamulka Galmudug.

Xilli uu maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Cadaado ayuu sheegay in uu iska casilay Xilkii uu u hayay maamulka Galmudug oo uu sheegay in ku dhawaad halsano iyo bar uu xilkaasi hayay.

Cabdiraxman Maxamed Cisman ayaa sheegay in awoodii maamulka ay gacanta u jirto shaqsiyaad gaar ah ,kuwaa soo ku sugan magaalada Cadaado.

Dhinaca Kale Wasiir ku xigeenka Wasaarada Bay’adda Dhirta iyo Daaqa ee Galmudug Cabdifitaax Maxamuud Axmed oo isna Saakay la hadlay Qaar kamid ah Idaacadaha Somalida ayaa sheegay in uu iska casilay shaqadii uu u hayay maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta uu shaqada iskaga casilay ay tahay mid la xariirta arimo shaqsiyadeed.

Waa Wasiirkii labaad oo muddo 24 saac gudahooda sheegaya in uu iska casilay xilkii uu u hayay maamulka Galmudug.

Wasiiro Badan oo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa horay u shaaciyay in ay iscasileen Qaarkoodna waxa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha maamulka Galmudug in uusan bixin dhaqaalihii loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan wasaaradahooda.

Isku soo wada duuboo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeka Galmudug ayaa waxa ay u muuqdaan maalinba maalinta ka dambeysa kuwo kusii fashilmaya hogaaminta maamulka Galmudug, waxaana muuqata iminka hadaan waxgaradka iyo shacabka reer Galmudug ay u kicin bad baadinta Maamulka in ay suuro gal tahay in xataa maamulka Galmudug lagu kala dareero.

wasiiru-dowlaha-qorsheynta-galmudug-ee-iscasilay-1132x670
HOOS KA DHAGEYSO Wasiiru dowladaha Wasaarada Qorsheynta Galmudug Cabdiraxman Maxamed Cisman (Sayruuq)

qafiifoow
HOOS KA DHAGEYSO Wasiir ku xigeenka Wasaarada Bay’adda Dhirta iyo Daaqa ee Galmudug Cabdifitaax Maxamuud Axmed