TOOS U DHAGEYSO:-Nabadoon Axmed Cabdi Nuure Oo Si Kulul U Cambaareeyay Ugaaska Beelaha Waqooyiga Galgaduud "Taakooy ma ahan Ugaaskeena".

0

Qaar kamid ah Waxgaradka kasoo jeeda Deegaanada Waqooyiga Gobolka Galgaduud ee Hadda ku sugan Magaalada Cadaado ayaa waxay eedeyn iyo Dhaliilo Xoogan Ka keeneen Habka uu wax usoo Xulayo Ugaaska Beelaha Waqooyiga Galgaduud Ugaas Axmed Barre Cali “Taakooy”.

Ugaas Taakooy oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa waxa uu eedeyn usoo jeediyay Maamulka Galmudug iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Gobol isagoona ku eedeyay in ay ka talaabsadeen Xeerkii wax soo xulidda.

Shirkiisa jaraa’id kadib waxaa iyana isla Cadaado shir kale ku qabtay Waxgarad iyana kasoo jeeda Deegaanada waqooyiga Galgaduud kuwaasi oo iyagana dhaliilay habka uu ku shaqeenayo Ugaas Taakooy.

Waxgaradkaan ayaa waxay si cad usheegay in Taakooy uusan ahayn ugaas isla markaana uusan matali dadka Waqooyiga Galgaduud iyagoona ku eedeeyay in uu beelo iyo shaqsiyaad Gaar ah siiyay dhamaan xubnihii loogu tala galay Beelaha Waqooyiga Gobolka.

Nabadoon Axmed cabdi Nuure waxa uu kamid yahay odayaasha Shirka jaraa’id ka dhinac qabtay Ugaas Taakooy, waxa uu wariyaha Allgalgaduud ee Magaalada Caabudwaaq uga waramay arimahaasi la isku mari la’ yahay iyo Dhaliilaha kala Jeeda.

HOOS KA DHAGEYSO