TOOS ULA SOCO:- Ciidamada Puntland oo Xaafada Baraxleey gudaha u galay iyo Galmudug oo Abaabul culus bilowday

0

Wararkii ugu dambeeyey Ee ka imaanaya Degmada Gaakacyo Ayaa waxay sheegayaan in Xaaladu tahay mid ka yara duwan sidii hore oo Rasaasta Marna Xoogeysaneyso Marna Qaboobeyso.

Ciidanka Puntland oo Labo Gaashaanle ku waayey Dagaalkaasi ayaa Karaar iyo Is Xulufeysi ka qaaday oo ay keentay inay Ka gudbaan meelo ay Galmudug Ciidankooda kusugnaayeen.

Qof kusugan Xaafada Baraxleey ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Puntland ay ku arkayaan Halkaasi iyagoo ka dagaalamaya islamarkaana kuwa Galmudug ay dib ugurasho sameeyeen.

Saraakiisha Ciidanka Galmudug ayaa abaabul ballaaran ay dib iskaga riixayaan waxay ka wadaan Meelo Kala Duwan waxaana Jira Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Labada Dhinac.

Ciidanka Galmudug ayaa Seddex dhimasho la sheegay iyo Dhaawac halka Shan Puntland laga dilay Sida dad Lagu Kalsoon yahay oo Gaalkacyo kusugan usheegeen Wakaalada Waqaad.com.