TOOS ULA SOCO:- Maxaa ka cusub Saaka Degmada Qandala oo Shalay ay la wareegeen Daacish ?

0

Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Qandala ayaa waxa ay sheeegayaan in halkaasi ay isaga baxeen kooxdii sheegatay in ay ka mid ahaayeen Kooxda Daacish, ee shalay la wareegay Degmada Qandala.

Calamadii ay kooxda Daacish sureen Magaalada Qandala ayaa la sheegay in laga siibay, kadib markii ay ka baxeen.

Lama sheegin meesha ay aadeen Daacishtii shalay la wareegtay Degmada Qandala ee Gboolka Bari.

Dadka Deegaanka ayaa bilaabay in ay ka barakacaan Degmada Qandala iyo Deegaanada ka akdhow, waxaan ay soo gaareen Degmooyin ka tirsan Gobolka Bari.

Maamulka Puntland ayaa u diyaar garoobayay sidii kooxda Daacish ay uga saari lahaayeen Degmada Qandala, balse markii dambe kooxda Daacish ayaa waxa ay isaga baxeen Degmadaasi.