TOOS ULA SOCO:- Maxaa Saaka ka socda Magaalada Garoowe ?

0

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa saaka waxaa kadhacay dibadbaxyo xoogan oo kadhan ah duulaanka qaawan ee lagu soo qaaday shacabka iyo dowladda Puntland.

Mudaharaadkaani ayaa waxaa ka qeybgalaya inta badan Odayaasha dhaqanka ee gobalada Puntland, waxaana lagu cabirayaa dareenkooda ku aadan sidii lays kaga difaaci lahaa weerarada gardarada ah ee lagu soo qaaday Xeebaha & magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Gobalka Nugaal ayaa sidaas oo kale ka qeybgalaya iyo xubno ka socda Golaha Xukuumada ee dawladda Puntland, iyadoo si aad ah qabanqabadiisa looga dareemayay magaalada.