TOOS ULA SOCO:- Xaalada Gaalkacyo oo degan iyo Dhaawacyo la geeyay Isbitaalada Magaalada

0

waxaa Hadda Degen Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo maanta uu ka dhacay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Galmudug iyo kuwa Maamulka Galmudug.

Dagaalka ayaa Sababay dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Dhinacyada ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaa jira Dhaawacyo la geeyay Isbitaalada Magaalada ee Waqooyiga iyo Koofurta Magaalada.

Dagaalka ayaa Iskiis u istaagay,waxaana Mararka qaar laga Maqlayaa Galbeedka Magaalada Rasaas Goos Goos ah.