TOP DHAGEYSO:- Askartii ay Galmudug soo bandhigtay oo Xog yaab leh bixiyey

0

Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxa lagu soo bandhigay 3 Askari oo sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidamada Jubbland balse lagu qabtay Dagaalka Gaalkacyo.

Mid ka mid ah Maxaabiista ay Galmudug soo bandhigtay ayaa sheegay in loo sheegay inay la dagaalamayaan Al-Shabaab, laguna keenay Dhowr Diyaaradood.

Waxa uu sheegay in cadad ahaan ay gaarayaan 700 oo Askari, oo laga keenay Magaalada Kismaayo.

Waxa uu intaa ku daray in markii la keenay Gaalkacyo la geeyey Furumaha Dagaalka Gaalkacyo, halkaas oo markii dambe laga soo qabtay.

HALKAAN KA DHAGEYSO