TOP DHAGEYSO:- Cabasho xoog leh oo ka soo yeertay Garoowe

0

Magaalada Garowe ee caasimada dawlada Puntland ayaa waxaa dhawaan looga dhawaaqay dalad ay ku midaysan yihiin Bajajlayda degmadaasi.

Gudoomiye iyo ku xigeen sidoo kale xafiis ay degmada ka furteen ayaa xiligan waxaa la soo darsay caqabad uga timid dhanka degmada oo ay ka mid tahay in gabi ahaanba la xiro xafiiskooda.

Afhayeen u hadlay Daladaasi dhawaan la dhisay ayaa sheegay inay juhudi iyo waqti badan galiyeen dhismaha oo ay ku midoobeen in kabadan 400 oo Bajaajlay ah.

Cumar Cismaan Bulshaale Afhayeenka daladan ayaa xili uu lahadlayey Warbaahinta wuxuu sheegay inay xiligan dawlada Hoose oo markii hore ku dhiiri galisay furashada xafiis iyo madax ay samaystaan ay hada dib ugu celisay shaqadooda kadib markii labo qof ay cabasho keenen sida uu sheegay Cumar kuwaas oo xusay inaysan kamid noqonayn Daladan.

HALKAAN KA DHAGEYSO