TOP DHAGEYSO:- Ciidamo si gaara u tababaran oo la geynayo Shabeelaha Hoose iyo Sababta oo la ogaaday

0

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in Ciidamo Militari ah oo dheeraad ah la geynayo Gobolka Shabeelaha Hoose.

Kulan shalay ay Magaalada Baydhabo ku yeesheen Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay kaga hadleen weerarkii Afgooye, waxaana ay isku raaceen in Ciidamo dheeraad ah la geeyo Gobolka Shabeelaha Hoose.

Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen saldhigyo waa weyn in Ciidanka Koonfur Galbeed looga sameyn doono Gobolka Shabeelaha Hoose, si ay uga hortagaan weerarada Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan ayaa warbaahinta u sharxay qaabka Ciidanka ay ugeynayaan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Gobolka Shabeelaha Hoose dhowaan waxaa ka dhacay Dagaal beeleedyo iyo sidoo kale weerar shabaabka ay ku qaadeen fariisin Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Afgooye.

HALKAAN KA DHAGEYSO