TOP DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo Faahfaahin ka bixisay Sababaha Itoobiya uga baxday Deegaano dhowr ah

0

General C/qaadir Sheekh Cali Diini Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay sababaha keenay in Ciidanka Itoobiya ay isaga baxaan qeybo badan oo ka tirsan Gobolada Dalka, oo qaarkood ay la wareegeen Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya  General C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya ilaa iyo hada in aysan heyn macluumaad dhab ah oo ku aadan ka bixitaanka Ciidanka Itoobiya ee Degmoyinka qaar, hase ahaatee wuxuu sheegay in arintan ay tahay siyaasad u gaar ah Dowladda itoobiya.

Wuxuu ugu baaqay Dadka degan deegaanada iyo Degmooyinka ay la wareegeen Shabaab in ay xaalada dejiyaan oo ay iska yareeyaan wal walka iyo cabsida, waxaana uu sheegay in Dowladda ay dadaal badan ku bixineyso sidii ay dib ugala wareegi laheyd Shabaab Degmooyinkaas.

HALKAAN KA DHAGEYSO