TOP DHAGEYSO:- Madaxweynaha Puntland oo Fariin Kulul u diray Daacish,Al-Shabaab,Dowladda Federaalka iyo Galmudug

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ku sugan Magaalada Carmo ee Gobolka Bari ayaa wuxuu ka hadlay xiisadaha ka taagan Magaalada Gaalkacyo iyo la wareegidii kooxda Daacish ay la wareegeen Degmada Qandala.

Waxa uu sheegay in Puntland maanta ay mareyso in weerar ay ku soo qaadaan isbaheysiga Daacish, Shabaab, Dowladda Federaalka iyo Galmudug.

C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa wuxuu sheegay Puntland in ay isaga filan tahay cadow kasta oo weerar ku soo qaada.

Hadalkan ayuu ka sheegay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas xilli uu kulan la qaadanayay bulshada ku nool Magalada Carmo ee Gobolka Bari.

HALKAAN KA DHAGEYSO