TOP DHAGEYSO:- Madaxweyne Cabsi ka muujiyay Bixitaanka Ciidanka Itoobiya

0

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa waxa uu ka hadlay qorshaha Ciidanka Itoobiya uga baxayaan Deegaanada Qaar Gobolka Hiraan.

Cali Cosoble oo saxaafada lahadlaya yaa sheegay in ay Culeyskeeda leedahay Fariisimaha ay baneenayaan Ciidanka Itoobiya ayna udiyaar garoobayaan sidii ay badelkooda usameyn lahaayeen.

Madaxweyne Cosoble ayaa hoosta ka xariiqay inay ku dadaalayaan Ciidan tayo Leh oo La abuuro si buu yiri looga maarmo Ciidanka Itoobiya Ee Hadda Bilaabay inay faarujiyaan Deegaanada Qaar.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Hirshabelle rajo ka muujiyey waxgaradka saluugay Qaabka loo dhisay Maamulka uu madaxda ka yahay inay ka tanaasulaan oo geedi socodka Dhameystirka Maamulkaasi ka qeyb qaataan.Sikastaba Hirshabelle ayaa waxay dooneysaa inay maamulkeeda ku baahiso Deegaanada Labada Gobol Ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe waxaana jira weli Waxgarad iyo Siyaasiyiin kasoo horjeeda Maamulkaasi Lagu dhisay Jowhar Ee iyagu kusugan Magaalada B/weyne.

HALKAAN KA DHAGEYSO