TOP DHAGEYSO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo sameeyay Balanqaad Cajiib ah

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray wadada laamiga ah ee lagu magacaabo Wadnaha oo dib u dhis lagu sameeyay.

Dhaqaale laga soo aruuriyay shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa lagu dhisay wadada Wadnaha ee uu maanta xariga ka jaray Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in arintan ay muujineyso isku xirnaanshaha shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn balan qaaday in la dhisi doono wadooyinka kale ee bur bursan ee ku yaalla Magaalafa Muqdisho.

HALKAAN KA DHAGEYSO