TOP DHAGEYSO:- Madaxweyne Xasan Sheekh “Waa lagu guuleystay yareynta Musuq maasuqa”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in Dowladdiisa mudadii Afarta sano aheyd ee ay jirtay ku guuleysatay in ay tayeyso Hay’adaha Maaliyadeed ee Dowladda, islamarkaana ay yareyso Musuq maasuqa.

Waxa uu sheegay hada in ay si dar dar leh u shaqeynayaan Hay’adaha Maaliyadeed ee Dalka islamarkaana ay jiraan isla xisaabtan ku aadan lacagaha baxaya iyo kuw soo galaya Dowladda.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in ay jiraan habab cusub oo lagu ogaanayo cid walba oo lacag ka bixisa Bankiga dhexe.

Hadalkan ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka sheegay kadib markii uu shalay xariga ka jaray xarunta dhexe ee Bankiga Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO