TOP DHAGEYSO:- Maxaa ka soo baxay Kulamadii Xasaasiga ahaa ee saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay Hiiraan ?

0

Saacadihii ugu dambeeyay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay kulamo ay isugu yimaadeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo waliba qaar ka mid ah Bulshada oo uu horkacayay Ugaas Xasn Ugaas Khaliif.

Kulamadan ayaa waxaa looga hadlayay sida Maamulka Hirshabeelle iyo waliba Bulshada Gobolka Hiiraan ay u wada shaqeyn karaan.

Gudoomiye ku xigenka dhinaca arrimaha bulshada Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulamadan ay yihiin kuwo la isku afgartay.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hogaaminayay ay gaareen Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

HALKAAN KA DHAGEYSO