TOP DHAGEYSO:- Suldaan Afgaduud”C/wali Gaas ayaa wada dagaalka Magaalada Gaalkacyo”

0

Suldaan C/casiis Maxamuud Afgaduud oo ka mid ah Waxgaradka Maamulka Puntland ayaa si kulul uga hadlay dagaalka Magaalada Gaalkacyo,waxaana uu sheegay inuu ka xun yahay Dirirta Magaalada gaalkacyo ku dhexmareysa Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Suldaan Afgaduud ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo Dagaalka islamarkaana Labada Dhinac ay Miiska wada-hadalka isugu yimaadaan.

Sidoo kale Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ayuu Suldaanka ku Eedeeyay inuu wado Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

C/wali Maxamed Cali ayuu sheegay Suldaan Afgaduud inuu Dano gaar ah ka leeyahay sida uu hadalka u dhigay.

HALKAAN KA DHAGEYSO