TOP DHAGEYSO:- Wasiir hore oo Fashiliyay Sir badan oo Beesha Caalamka Soomaaliya ku lugoyneyso

0

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa waxa uu sheegay Beesha Caalamka in aysan raali ka aheyn in la helo dib u dhiska Ciidan Qaranka Soomaaliya uu leeyahay.

Waxa uu sheegay Ciidanka Itoobiya ee ka baxay qeybo ka mid ah Soomaaliya in ay culeys ku tahay shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena qatar ay ku keeni karto.

C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Beesha Caalamka in ay dhaqaale badan ku bixiso Ciidanka AMISOM, balse aysan marnaba dan ka laheyn Ciidanka Qaranka in dib udhis ay ku sameyso.

Ugu dambeyntii Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay ka shaqeyso sidii Soomaaliya ay u heli laheyd Ciidan dhameystiran.

HALKAAN KA DHAGEYSO