TOP DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay inay wax ka ogeyn Dadka Soomaalida ee la soo celinayo

0

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C/Salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan ka war qabin Dad Soomaaliyeed oo Dolwadda Norway ay dalkeeda ka soo celineyso.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Wasaaradda arrimaha dibadda aysan ka warqabin arrintaasi sidoo kalena aysan la socon Wasaaradda amniga oo ay hoostagaan laamaha socdaalka,Nabad Sugidda iyo Booliska Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay  Dalka Norway ay ku sugan yihiin 30,000 Qof oo Soomaali ah,kuwaas oo 200 oo ka mid ah aysan heysan sharciga dalkaas.

Dadka ugu badan ayuu sheegay in laga hayo jawaabaha weydiimahii laga qoray markii ay dalkaas galayeen oo ay ka mid tahay in meel amni uusan ka jirin ay ka yimaadeen,taas oo Norway ay hadda qiil u heysato in Soomaaliya nabad tahay.

Wasiir Hadliye,ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda nabad tahay laguna soo laaban karo,isaga oo ku baaqay in dalka dib loogu soo laabto si loo dhiso.

HALKAAN KA DHAGEYSO