TOP DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo Sheegtay waxa lagu qaban doono Lacago Shacabka ka cabanayaan

0

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim fargeeti oo warbaahinta la halday ayaa sheegay lacagaha laga qaado ganacsatada iyo wadiyaasha gaaiidka in lagu bixin doono dhismaha wadooyinka Magaalada Mqudisho.

Waxa uu sheegay in hada ay u hrigaleen dhismaha wadooyin badan oo ku yaalla Magaalada Mqudisho, sidoo kalena weli ay socdaan dhismaha wadooyin kale.

Maxamed Aadan Ibraahim fargeeti Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa balan qaaday dhaqaalaha laga soo qaado shacabka in iyaga loogu adeegi doono.

Hadalkan ayuu ka sheegay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim fargeeti xilli shalay uu ka qeyb galay Munaasabad xariga looga jarayay dib udhiska Wasaaradda Maaliyadda.

HALKAAN KA DHAGEYSO