TOP NEWS:- Dowlada Itoobiya oo Hadal layaab leh ka tiri Sababta Ciidamadeeda kaga baxayaan Soomaaliya

0

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Beesha Caalamka ay ka beensheegtay ka bixitaankooda Soomaaliya kadib markii ay Dowladda Itoobiya billowday in Ciidamadeeda aan ka midka ahayn AMISOM ay billaabeen in ay ka baxaan Soomaaliya.

Itoobiya waxaa ay sheegtay in Beesha Caalamka ay ku tilmaantay ka bixitaankeeda Soomaaliya in ay la xiriirto culeys ka soo wajahay xarakada AL-shabaab oo degaannada ay ka baxayaan Ciidanka Itoobiya saartay Culeys milatari.

Taas beddelkeeda Dowladda Itoobiya waxaa ay sheegtay in Beesha Caalamka ay ka baxday ballan ay la gashay Dowladda Itoobiya oo ahayd in Ciidanka Itoobiya ee galay Soomaaliya ay tababaraan Ciidanka Dolwadda Soomaaliya dhaqaalahana ay bixiso Beesha Caalamka.

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya,Reda,ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay Ciidankeeda aan ku jirin AMISOM kala baxeyso Soomaaliya kadib markii ay Dolwadda Itoobiya la kulan tay Saad yari,sidaa darteedna ay iyada go’aansatay in Ciidankeeda ay ka laabtaan Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu beeniyay Mr Getachew Reda,in ka bixitaanka Soomaaliya ay la xiriirto culeys dhanka gudaha dalkaasi ah oo ku saabsan kacdoonka Amxaarada iyo oromada Itoobiya oo billaabay in ay ka hor tagaan dowladda hadda jirta,waxaana uu iyana ku tilmaamay been abuur.

Waxaa uu sheegay in Dolwadda Itoobiya ay heysato Ciidan ku filan xasilinta gudaha Itoobiya islamarkaana aysan hadda heysan culeys milatari oo gudaha ah.

Dowladda Itoobiya waxaa ay xaalad deg deg ah oo lix bilood ah ku rogtay dalkeeda kadib markii ay kordheen kacdoonka Amxaarada iyo oromada.

Al-shabaab ayaa la wareegay degaannadii ay ka baxeen Ciidanka AMISOM,waxaana ugu dambeeyay Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool.