TOP NEWS:- Faarax Macalin iyo Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo is gacan qaaday iyo dadweyne badan oo usoo daawasho tagay goobta ay..

0

Muuqaal kooban oo soconaya hal daqiiqo ayaa waxaa ka soo muuqday Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin iyo Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, kuwaasoo dhex maraya gacan ka hadal.

Muuqaalkan oo ahaa hal daqiiqo oo ay duubtay kaamirada qarsoon ee CCTV ayaa waxaa la arkayay Faarax Macalin iyo Maxamed Jaamac Mursal Geelle oo ah wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo is gacan qaadaya, xilli ay ku sugnaayeen hotel ku yaalla magaalada Nairobi.

Labada nin ayaa markii dambe ayaa waxaa ku soo baxay dadweyne kale oo kala celinaya, waxaana markii dambe goobta ka tagaya Wasiir Mursal Geelle.

Ma Cada waxa ay isku qabteen, balse labada nin ayaa ah kuwo hal beel ka soo jeeda, waxaase marar badan jiray in Faarax Macalin uu dowladda Itoobiya iyo Gen. Gabre uu ku eedeeyay in Soomaaliya ay fara gelin ku hayaan, iyadoo ninka ay is gacan qaadeen ee Mursal Jaamac Geelle uu horay uga soo shaqeeyay Xafiiska IGAD, xiriir dhowna ay leeyihiin Gen. Gabre.

Lama oga in murankooda uu arrimahaas daba socdo, balse waxaa durbaba muuqaalkan soconaya halka daqiiqo lagu baahiyay baraha Internetka iyo baraha bulshada.

farah-maalim-274x136