Ururka NOSUJ oo si weyn u Cambaareeysay Wariye lagu Xeray Magaalada Baladweyne

0

Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NOSOJ ayaa si weyn cambaareeyay Wariye Maanta lagu xiray Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

War Qoraal ah oo uu soo saaray xoghayaha ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa lagu sheegay in ururku ay si weyn uga xun yihiin xariga loo geystay Wariye Jamaal Cabdi Yare oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howgalayay Magaalada Baledweyne.

Maxamed Ibraahim Macalimuu oo qadka taleefoonka kula hadlay taliyaha Ciidanka Booliska degmada Baledweyne Cali Nuur ayaa waxaa uu ka codsatay in la siidaayo Wariye Jamaal oo la sheegay in lagu xiray khilaaf soo gala dhex galay isaga iyo sidoo kale ciidanka Booliska.

” Waxaan weydiisanaynaa maamulka gobolka Hiiraan in ay siidaayaan wariyaha si shuruud la’aan ah , waxaan ka codsanaynaa in ay xushmeeyaan warbaahinta” sidaasi waxaa yiri Xoghayaha ururka NOSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Jamaal Cali Yare ayaa la shaqeynaayay idaacadda Radio Hiiraan oo ku taalla Magaalada Baledweyne iyo sidoo kale raadiyaha arimaha bil’aadanimada ee Ergo.

Warbaahinta Madaxa Banaan ayaa wajahaysa cadaadis xoog badan oo kaga imaanaya dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulada ka jira dalka , waxaana wariye Jamaal Cali Yare oo noqonayaa wariyihii shanaad oo todobaad gudihiis lagu xiro dalka Soomaaliya.