Wafdi ka socda Dowladda oo gaaray Magaalada Beledweyne iyo Kulamo ka socda Magaaladaasi

0

Wararka naga soo gaaraya Garoonka Magaalada Baledweye ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ay goordhaw ka dageen Baledweyne.

Wafdiga Gaaray Magaalada Baledweyne ayaa waxaa hogaaminaya Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib.

Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah xildhibaano iyo sidoo kale siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Ujeeda Safarka  ayaa lagu sheegay in ay tahay in waxgaradka gobolka Hiiraan lagu qanciyo in tagaan magaalada jowhar oo ay ka qeyb galaan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.