WAR DEG DEG AH:- Al-Shabaab oo Arrin Naxdin leh ka sameeyay Degmada Saakoow

0

Al-Shabaab ayaa Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku dileen 3 Nin oo ay sheegeen in ay u shaqeynayeen Dowladda Mareykanka iyo Dowlado shisheeye.

Fagaare ku yaalla Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe oo ay isugu yimaadeen Dadweyne fara badan ayaa lagu dilay Saddexdan Nin.

Shabaabka ayaa magacyada Nimankan ku kala sheegay C/laahi Maxamed C/raxmaan, Maxamed Salaad Kaahire iyo Liibaan Xasan Maxamed, waxaana ay sheegeen in ay warar u gudbin jireen Dowladda Mareykanka.

13-kii Bishan ayay markii Shabaab ay Degmada Jillib ku dileen 2 Nin oo u kala dhashay Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo ay ku eedeeyeen jaajuusnimo.