WAR DEG DEG AH:- Al-Shabaab oo la Wareegay degmada Tiyeegloow

0

Al-shabaab ayaa si buuxda ula wareegay Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, kadib markii ay saakay ka baxeen Ciidanka Dolwadda iyo kuwa Itoobiya.

Al-shabaab ayaa Degmada Tiyeeglow waxa ay ku dileen 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda, kuwaas oo ku sugnaa Degmadaasi.

Ilaa iyo hada si cad looma oga ujeedka Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay uga baxeen Degmada Tiyeeglow.

Dadka Deegaanka ayaa cabsi badan ay soo wajahday, waxaana dadka qaar ay ka barakaceen guryahooda.