WAR DEG DEG AH:- Ciidamada Ammaanka oo sheegay in ay Toogteen Nin Muqdisho ku dilay Sargaal ka tirsan CXD

0

Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA oo soo xiganeysa Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay Caawa Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ku Toogteen Dagaalame ka tirsan Al-shabaab oo ka mid ahaa Dableey Galabta isla Degmada ku dishay Sargaal ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo lagu Magacaabi jiray  Gaashaanle Sare Siyaad Axmed Maxamed.

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay Baacsadeen Kooxda Dilka u geysatay Alle ha u naxariistee Gaashaanle Sare Siyaad Axmed Maxamed islamarkaana ay dileen mid kamid ah Dableeydaas,waxaana ay intaa raaciyeen in kuwa kale ay ku raad joogaan.