TOOS U DHAGEYSO :- Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay deegaanka Halgan iyo Al Shabaab oo la wareegay

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Halgan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, ciidamada Dowladda iyo Itoobiya ayaa faarujiyay guud ahaan Deegaankaasi oo Saldhigyo Millateri ay ku lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya guud ahaan ay ka guureen Saldhigii ay deegaankaasi ku lahaayeen, ayna u jiheysteen dhanka xuduuda Somaliya iyo Itoobiya u dhaxeysa.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay xalay oo dhan ciidamada Itoobiya inay wadeen dhaq-dhaqaaq ciidan iyo qalab uruursi, saakana mar kaliya ay ka baxeen deegaanka.

Ka hor ciidamada Itoobiya inta aysan ka bixin Deegaanka Halgan waxa ay gubeen Difaacyadii ay ku lahaayeen Deegaankaasi oo ay dab qabadsiiyeen si Ururka Al Shabaab aaney u isticmaalin marka ay soo galaan Magaalada.

Xoogaga Shabaab oo markii horeba la socday dhaq-dhaqaaqyada kala duwan ee ay wadeen ciidamada Itoobiya ayaa durbadiiba qabsaday Magaaladaasi.

Boqolaal ka tirsan ciidamada Ururka Al Shabaab ayaa gudaha u galay Deegaanka Halgan oo hada ay ku sugan yihiin, iyadoo dadweyne fara badan ay isku soo baxeen, kuwaasi oo daawanaya ciidamada Shabaabka ee Magaalada soo galay.

Ciidamada Itoobiya ayaa muddooyinkii dambe faarujiyay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, sida Ceel Cali Iyo halgan oo saaka ay ka baxeen, horay ciidamada Itoobiya waxa ay uga baxeen deegaanka Budbud oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Deegaanka Halgan ayaa Qiyaastii 45-KM wuxuu u jiraa Degmada Buulo burte ee Gobolka Hiiraan, waxaana uu ku yaalaa deegaankaan wadada xiriirisa Baledweyne iyo Buulo burte.