WAR DEG DEG AH:- Dagaal Culus oo ka bilowday Magaalada Gaalkacyo

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in hada halkaasi uu ka socdo Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ku bilowday kadib markii xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Galmudug ay sii korortay, taasina ay sababtay in labada dhinac  ay galabta dagaalamayaan.

Dagaalkana ayaa la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Deegaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacaayay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.