WAR DEG DEG AH:- Dil goor dhaw ka dhacay Muqdisho

0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Hodan ee Gobolka Baanadir ayaa waxa ay sheegayaan kooxo hubeysan goor dhow degmadaasi in ay ku dileen sarkaal ka tirsan Ciidanka Millitariga Soomaaliya Soomaaliya.

kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka sarkaalka, waxaana ay ahaayeen 3 nin mid ka mid ah ayay gacanta ku dhigeen Ciidanka Amaanka, sida Risaala ay u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidanka Amaanka ayaa waxa ay baaritaano ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Hodan, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo dheeraad ah.