WAR DEG DEG AH:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gaaray Magaalada Jowhar

0

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa goordhow Gaaray Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe , halkaasi oo lagu wado in maanta lagu caleemo saaro Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle  Cali Cabdullaahi Cosoble iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cali Cabdulaahi Guudlaawe.

Wafdiga Gudoomiyaha ayaa waxaa ka mid ah Qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale .

Madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay maanta gaaraan magaalada Jowhar ee xarunta shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale Magaalada ayaa lagu wadaa maanta  in uu soo gaaro Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo si weyn ugu soo horjeeday dhismaha maamulka Hirshabeelle.