WAR DEG DEG AH:- Gudoomiyaha Hiiraan oo xilka laga qaaday iyo Gudoomiye cusub oo la magacaabay

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa loo magacaabay Mudane Cali Jeyte Cismaan.

Ilaa iyo hada lama oga sababta xilka looga qaaday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).