WAR DEG DEG AH:- Kooxda Daacish oo si Buuxda ula Wareegtay deegaan ka tirsan Gobolka Bari

0

Kooxda Daacish  ayaa si buuxda ula wareegtay deegaanka  Qandala ee Gobolka Bari , ka dib weerar ay saaka kusoo qaaday deegaankaasi.

Ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan deegaanka Qandala ayaa u sheegay warbaahinta in Daacish ay qabsaday deegaanka Qandala ,islamarkaana ay iskaga baxeen ciidamadii maamulka Puntland ee halkaasi ku sugnaa.

Dadka Deegaanka ayaa cabsi badan ay soo wajahday, waxaana dadka qaar ay ka barakaceen guryahooda.

Saraakiisha maamulka Puntland ayaa wali faahfaahin ka bixin kooxda saaka la wareegtay deegaanka Qandala ee gobolka Bari.