WAR DEG DEG AH:- Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed oo gaaray Jowhar

0

Madaxweyneyaasha Maamulada Koofur Galbeed iyo Galmudug ayaa Goor dhaw Gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe,waxaana ay ka qeyb galayaan Caleemasaarka Madaxweynaha Mamaulka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble.

C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Soomaliya ayaa kala hogaaminayo Wafdi ka kala socda labadaasi Maamul.

Sidoo kale Wakiilka QM Arrimaha Soomaaliya,Wafdi ka socda Jaamacadda iyo Urur Goboleedka IGAD.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno ka tirsan Labada Gole Ee Dowladda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ka qeyb galaya Caleemasaarka,kuwaas oo ku sugan Magaalada Jowhar gaar ahaan Xarunta ay ka dhaceyso Xafladda Caleemasaarka.