WAR DEG DEG AH:- Masuul sare oo ka tirsanaa Puntland oo Xil ka qaadis lagu sameeyay iyo Sababta oo la ogaaday

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maamulka Puntland ay xilka ka qaadeen isku duwihii wasaarada warfaafinta ee gobolka Mudug Cabdinaasir Badel Khaliif.

Iskuduwaha  wasaarada warfaafinta ee gobolka Mudug ayaa dhawaan ka hadlay weerarkii lagu qaaday saldhiga ciidanka Galmudug ee ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho.

Cabdinaasir Badel Khaliif ayaa sheegay in howgalka ay fuliyeen ciidanka Difaaca Maamulka Punland , islamarkaana ay dileen xubno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Warar ay ka heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in ay sidoo kale suurta gal tahay in la xiro iskuduwihii Wasaarada warfaafinta gobolka Mudug.