WAR DEG DEG AH+ DHAGEYSO:- Qarax ka dhacay Maqaayad ku taala Magaalada Garbahaarey iyo Khasaaro ka dhashay

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu ka dhacay Goor dhaw Qarax Maqaayad ku taalla Magaalada Garbahaarey,waxaana Qaraxa uu Sababay Dhimasho iyo Dhaawac.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Qaraxa uu ku dhintay Hal Qof,waxaana ku dhaawacmay illaa Saddex kale.

Dhanka kale waxaa Hawada laga saaray Isgaarsiinta Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Baaritaano ka sameeyay Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo,Qaraxa ka dib waxaana  Adag in Xog intaa dheer laga helo.

Isku soo wada duuboo waxaa faah faahin ka bixiyay qaraxan gudoomiyaha degmada Garbahaareey Nuur Sheekh Maxamed Buraale.

 

HOOS KA DHAGEYSO