WAR DEG DEG AH:- Safaarada Mareykanka ee Kenya oo la xiray

0

Safaarada Mareykanka uu ku leeyahay xaafada Gigiri ee Magaaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa si ku meel gaar ah loo xiray, kadib markii xalay Muwaadin Soomaaliyeed uu weerar ku qaaday.

War Qoraal ah oo ka soo baxay safaarada Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay safaarada in ay xirnaandoonto ilaa iyo 31 Bisha October.

Sidoo kale safaarada ayaa waxa ay sheegtay in Howlaha deg deg ah ee ay u baahan yihiin muwaadintiinteeda in ay qaban doonto, si aaysan u dareemin hakadka shaqada ee safaarada.

Ninka la toogtay ayaa la sheegay in uu ku hubeysnaa Tooreey, waxaana uu weerar ku qaaday ilaalada safaarada Mareykanka uu ku leeyahay Nairobi, isaga oo aanan gaarin xarunta safaarada ayaa Booliska Kenya waxa ay ka toogteen qeybta sare ee jirkiisa, kadib markii ay ku dhufteen dhowr xabadood.

Mas’uuliyiinta Degmada Gigiri ee ay ku taalo Safaaradda Mareykanka ayaa sheegaya in ninkan la dilay uu ahaa Soomaali ka soo jeeda Magaalada Wajer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaana magaciisa lagu sheegay C/maalik Ibraahim Xasan.

Amaanka safaarada Mareykanka ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana halkaasi la soo dhoobay Ciidamo dheeraad ah oo amniga sugaya.