WAR DEG DEG AH:- Sarkaal Dhawaan Tababar Dalka Talyaaniga ku soo qaatay oo Muqdisho Lagu dilay

0

Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa goor dhaw lagu dilay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Kooxo basoolado ku hubeysan ayaa madaxa ka toogtay sarkaalkan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Ismaaciil xili uu marayey agagaarka Suuq-yaraha Sargaduuda ee degmada Waaberi.

Goob joogayaal ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay oo ka koobnaa labo nin ay horey u sii qaateen Mobile uu watay sarkaalkan dilka ka dib, iyagoo ka dibna goobta ka baxsaday.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa daqiiqado ka dib gaaray goobta lagu dilay sarkaalkan, iyagoo sameeyey howlgalo ay ku xirxireen dhalinyaro fara badan oo ka tirsan degaanka kuwaasoo ay ku tuhmayaan iney ku jiraan kuwii dilka geystay.

Wararka ayaa sheegaya in Ismaaciil uu ka mid ahaa saraakiil dhowaan ka soo laabtay tababar dhowr bilood ay ku soo qaateen wadanka Talyaaniga, kuwaasoo ay dirtay dowlada Somalia.

Ismaaciil ayey sidoo kale wararku sheegayaan inuu ka mid ahaa milkiilayaasha mid ka mid ah Shirkadaha luuqada Soomaaliga ku Turjuma aflaamta Hindiga taasoo lagu magacaabo ISMAYUU.

Ma jiro illaa hadda war ku saabsan dilkan oo ka soo baxay laamaha amaanka dowlada hase ahaatee waxaa uu qeyb ka yahay dilal isdaba joog ah oo maalmihii la soo dhaafay Muqdisho loogu geystay saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada.