WAR DEG DEG AH:- Sarkaal ka tirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Muqdisho ku Geeriyooday

0

Allaha unaxariistee Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida C/laahi Xuseen Mayoonge ayaa Magaalada Muqdisho ku geeryoodey, kadib muddo bil ah oo uu la xanuunsanayay dhaawac ay Degmada Warta-nabadda ugu geysteen kooxo hubeysan.

Geerida xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida C/laahi Xuseen ayaa Warbaahinta u xaqijiyay mid ka mid ah Ehelada Marxuumka.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan tacsiyeen geerida Xeer Ilaaliye ku xigeenkii Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida C/laahi Xuseen.

26-kii Bishii September ee sanadkan ayay aheyd markii kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay ku dhaawaceen Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir, ka dib markii Gaari uu watay lagu horjaray Gaari kale, sidaasina rasaas loogu furay.