WAR DEG DEG AH:- Wariye lagu Xeray Magaalada Baladweyne

0

Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in  ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya ay xabsiga dhigeen gudoomiyihii ururka Saxafiyihiin Gobolka Hiiraan Jamaal Cali Yare .

Qaar ka mid ah Wariyeyaasha Magaalada Baledweyne ayaa sheegay in aysan garaneynin sababta ciidanka dowladda Soomaaliya ay u xireen wariyaha.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay uu jiray khilaaf u dhaxeeya warbaahinta iyo sidoo kale maamulka Gobolka Hiiraan.