WAR DEG DEG AH:- Wasiir ka tirsan Puntland oo iscasilay

0

Dr. Maxamed Cabaas Macalin Cumar, Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland, ayaa is casilay, iyadoo uu noqonayo Wasiirkii labaad oo maalmo gudahood iska casila Puntland.

Wasiirkii Warfaafinta Puntland, Maxamuud Xasan Soocade, ayaa 26-kii September iska casilay xilkaasi, isagoo sababtuna ku sheegay arrimo shakhsiyadeed oo u gaar ah.

Wasiiru Dowlaha is casilay, ayaa sheegay in istiqaaladiisa uu u gudbiyay Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, isla-markaana uu ka aqbalay.

Maxamed Cabaas Macalin Cumar, ayaan sheegin wax sabab ah oo uu xilkaasi isaga casilay, marka laga soo taggo in warqadiisa is casilaadiisa uu gaarsiiyay Madaxweynaha Puntland.

Suxufiyiinta Magaalada Garoowe, ayaa soo sheegaya in Dr. Maxamed Cabaas uu ka carooday, deeq uu siyaabooyin kala duwan kaga keenay dalka Australia, oo aan la gaarsiinin goobihii loogu talla-galay.

Dr. Maxamed Cabaas oo cabashadan gaarsiiyay Madaxweyne Gaas, ayaa waxaa la leeyahay waxba kama aanu qaban, taasoo dhabaha u xaartay go’aanka uu kaga tagey Madaxtooyada Garoowe.

Maxamed Cabaas oo wax ku bartay dalka Malaysia, ayaa lixdii sano ee la soo dhaafay ku noollaa Australia, ka dib markii uu deganaansho ka helay dalkaasi.