WAR DEG DEG:- Al-Shabaab oo Dad rayid ah ku xasuuqay Tiyeeglow

0

Al-shabaab ayaa 2 Qof oo rayid ah waxa ay ku dileen Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, kadib markii shalay ay la wareegeen gacan ku heynta Degmadaasi.

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa aroortii hore ee shalay waxa ay isaga baxeen Degmada Tiyeeglow, waxaana saacado kadib qabsaday Shabaab.

Shabaabka, ayaa Labada qof ay dileen oo rag ahaa ku eedeeyay in ay la shaqaynayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

Boqolaal ka mid ah qoysaskii ku dhaqnaa Degmada Tiyeeglow, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ka barakaceen Degmadaasi, ka dib soo gelitaankii Dagaalyahanada Shabaab.

Maamulka Koonfur Galbeed oo shalay ka hadlay qabsashada Shabaab ee Degmada Tiyeeglow ayaa waxa ay sheegeen in ay bilaabi doonaan Holwgal Shabaab looga saarayo Degmadaasi.